Home WARARKA GALMUDUG Xog akhriso goorme la furaya duulimaadka gudaha ee Somalia oo wali xayiran

Xog akhriso goorme la furaya duulimaadka gudaha ee Somalia oo wali xayiran

0

Duulimaadyada Gudaha Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in dib loo furi doono Isbuucaan sida aan ka ogaanay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.Advertisement

Kadib kulan Mas’uuliyiina Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho ayaa la go’aamiyey in Arbacada Todobaadkani islamarkaana 3 June 2020 ku beegan la furayo Diyaaradaha iskaga kala gooshayey Gobollada Dalka.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Baahida Dadka Soomaaliyeed Ee Gobollada Heysata looga jawaabayo Baaqii ay soo saareen.

Waxa Wasaaradu shaacisey in Maalintii Shan Diyaaradood ay Duulimaadyo sameyn doonaa,iyadoo laga yaabo qiimaha Tikidhada lagu raaci jiray ay kororto.Advertisement

Tan iyo markii Caabuqa Covid 19 Laga helay Soomaaliya Bishii Maarso waxaa ay Dawladu xirtay Duulimaadyadii Gudaha iyo kuwii Caalamiga ahaa,si loo yareeyo Faafida Caabuqani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here