Home WARARKA GALMUDUG Xog barlamanka galmudug oo lo qaybiyay lacago kadib ansixintii golihii wasiirada madaxweyne...

Xog barlamanka galmudug oo lo qaybiyay lacago kadib ansixintii golihii wasiirada madaxweyne qoor qoor

0

Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaas.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Galmudug iyo 78 Xildhibaan ayaa dhamaantood waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug sida ay u ansixiyee Wasiirada,waxaana uu sheegay in la dardar gelin doono howlaha Maamulka.

Xubno ka tirsan barlamaanka galmudug aya sheegay in golaha barlamanka galmudug ay heleen lacago loo qaybiyay kadib markii ay sixiyeen golaha wasiirada ee uu soo bandhigay hogaamiyahaw galmudug qoor qoor

Lacagtan aya helay dhaman xildhibanadii ansixiyay wasirada waxana mid xil dhiban la siiyay labo kun oo dollar taa oo ka dhigan lacagtii ugu horeysay ee barlamanka ku helan ansixinta golaha wasiirada galmudug

Mid ka mid ah xildhibanada lcgta helay oo aan magaciisa sababo amni aanan u shaacinin aya sidoo kale hobyomedia u shegay in lcgtan loo soo marsiiyay xubno kale oo barlamanka galmudug ka tirsan kuwaasi oo hawushan kuguda jiray

Wasiirada Cusub ee Galmudug ee Maanta la ansixiyay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo ay kamid yihiin,Axmed Macalin Fiqi iyo Saabir Nuur Shuuriye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here