Home WARARKA GALMUDUG Xog dhawacyadii ciidanada danab oo an la dhigin isbitalada koonfurta gaalkacyo...

Xog dhawacyadii ciidanada danab oo an la dhigin isbitalada koonfurta gaalkacyo maxay tahay sababtu?

0

HM-xafiiiska gaalkacyo dhawacyadii ciidanka danab ee dagaalka gaalkacyo kula galay ciidamo u hubaysan qaab beleed ayaa la geeyay isbitaalada waqooyiga gaalkacyo kadib markii ay ku amini waayeen isbitaalka koonfurta magaaalada gaalkacyo wen galmudug

Ilo wareedyo lagu kalsoon yhy aya sheegaya in qaar ka mida ciidankii dagalkii gaalkacyo ku dhawacmay la geyay isbitaalka waqooyiga magaalada gaalkacyo sida ay Hobyomedia u xaqiijiyeen saraakiisha caafimadka mid ka mid isbitaalada waqooyiga gaalkacyo

Lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee isbitaalada waqooyiga gaalkacyo la geyay waxana jira warar aan la xaqijin oo shegaya in sadax ka mid ah dhawacyada iyaguna loo qaday dhuusamreb

Warbaahinta gudaha ayaan xog buuxda heli karin waxaana adag in laga hadlo qasaraha dhabta ah ee soo garay ciidanka danab madama gaalkacyo ay ka taagan tahay cabsi laga qabo in cidii arimaha lang hadaaha la kaxaysan doono

Dhanka kale gadiid dagaal oo gurmad ah isla markana ay dalbadeen ciidanka danab aya ka yimid gobLka galgaduud gaar ahan taliska 21 ee ciidanka xooga dalka

Saraakiisha ciidanka danab qaybta gaalkacyo oo xiriir aan la samaynay kama aysan hadal dhibaatada ka taagan gaalkacyo blse wali xiisad kale oo ku saab san dagaalkii shalay aya wali ka tagan deganka saxaqurun halkasi oo ay ku wada sugan yihiin odoyaal,saraakiisha ciidanka danab, iyo sidoo kale siyaasiyinta gobalka waxana la filaya in sacadaha soo socda uu gaaro degnka saxaqurun wasiirka amniga galmudug mudane Fiqi

Sikastaba ha ahaatee xiisada arintan oo awalb ay ka dhalatay nin ganacsade aha oo la xiray ayaa u eg mid reebtay raad colaaaded madama wali ciidamadu ay is horfadhiyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here