Home WARARKA GALMUDUG XOG: Qoor Qoor oo Dalab culus hordhigay Madaxda Villa Somalia

XOG: Qoor Qoor oo Dalab culus hordhigay Madaxda Villa Somalia

0

Sida xog hoose aan ku helnay, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa madaxda Dowladda ka dalbaday in mudo 60-cisho ah gudahooda Al-Shabaab looga saaro degmooyinka Ceeldheer, Ceelbuur, Galhareeri iyo Xarar dheere.Advertisement

Ujeedada socdaalka taliyaha Milateriga Soomaaliya Gen Odawaa ee Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay iney qayb ka tahay qorshaha lagu qabanayo degmooyinkaas.

Haddii maamulka Qoor Qoor ku guuleesto in Al-shabaab laga saaro degmooyinkaas waxay u muuqataa in Galmudug ka gudubtay dhibaatooyin badan islamarkaana ay hormaro gaari doonaan shacabka degmooyinkaas oo qaarkood 10 sano ka badan u taliyaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa mudada 100-ka maalin ah ee uu xafiiska joogo wuxuu la soo baxay dardar xooggan isagoo ku guuleystay dib u heshiisiinta saamileyda Galmudug iyo inuu wax badan ka qabtay dagaal beeleedyada soo noq noqday ee ka dhacayay gobolada Mudug iyo Galgaduud.Advertisement

Al-Shabaab ayaa ku sugan meelo badan oo ka tirsan Galmudug gaar ahaan waxay heystaan deegaano iyo degmooyin muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here