Home WARARKA GALMUDUG Sawiro:-Faadumo Cabdi Faandhe oo kulamo wadatashi ah la qadatay bulshada gaalkacyo

Sawiro:-Faadumo Cabdi Faandhe oo kulamo wadatashi ah la qadatay bulshada gaalkacyo

0

HM__xafiiska gaalkacyo:-Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka DGGM Marwo Faadumo Cabdi Faandhe oo safar shaqo oo uu hogaaminaayo Madaxweyn Ahmed Abdi Kaarshe QoorQoor ku joogta Gobalka Mudug maagalada Galkacyo ayaa kulamo wadatashi bulsho ah waxaa ay la yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo,

kulankaan waxaa gudoomiye ku-xigeenka ku wehliyay wasiiro, wasiiro kuxigeeno Wasiiruldowle iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka Galmudug

xaflad balaadhan oo ay isugu yimaadeen ururada haweenka, dhalin yarada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la isaga xog waraystay arimo badan oo ku saabsan Galmudug gaar ahaan Gobalka mudug,

Marwo Fadumo ayaa dadka gobalka mudug waxaa ay kula dardaarantay in ay fuliyaan amaawiirta Dowlada isna xilqaamaan oo dowlada la shaqeeyaan u na diyaar garoobaan sidii ay ula xisaabtami lahaayeen dawladooda iyo sidii ay ugu tartami lahaayeen horumarada ka jira gobal ka iyo guud ahaan Somalia ugana qayb qaadan lahaayeen hormarinta Dadkooda.
Iyadoo sheegtay in ay u taagan tahay raadinta xuquuqda gobalka mudug iyo guud ahaan Galmudug oo ay ku matasho shacabka Galmudug kaar ahaan Gobol ka Mudug,

Bulshada magaalada Gaalkacyo ayaa gudoomiyaha uga mahadceliyay in ay si hufan howsha u wadaan ayada iyo dhamaan madaxdda Dowlada waxayna ku amaaneen siduu Madaxweynuhu had iyo jeer u raadinayo nabadaynta, ayadana waxay uga mahad celsheen in ay soo dhexgashay Bulshada Galmudug si ay u ogaato xaaladdooda dhabta ah.
Ugu dambayn waxay u balan qaaday Gudoomiye Fadumo in Amni cadaalad, Waxbarasho, Caafimaad, ay dowladdu xooga saari doonto siddaad ku heli lahaydeen si dag dag ah iyo inkabadan, Idinkana lashaqeeya Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here