Home WARARKA GALMUDUG Xog Ahlu suna ku soo rogaal celisay siyaasadda Galmudug, war cusubna soo...

Xog Ahlu suna ku soo rogaal celisay siyaasadda Galmudug, war cusubna soo saartay

0

Ahlusunna Waljameeca ayaa War kasoo saartay dagaal beeleedyo maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaaday deegaanada Xananbuure iyo Qalanqale ee Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo geystay Khasaarooyin kala duwan.Advertisement

Qoraal uu soo saaray Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir kana mid ah Hoggaankii sare ee Ahlusunna ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray Wasiirkii hore ee Shaqada Galmudug Daahir Shidane oo ku dhintay dagaalkii Xananbuure.

Qoraalka ayaa waxaa kaloo baaq nabadeed loogu diray Maleeshiyaadka ku degaalamayay deegaanada deegaanada Xananbuure, waxaana Ahlusunna dhinacyada ay ka dalbatay inay si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka.

Sidoo kale Ahlusunna ayaa Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ugu baaqday inay qeyb qaatan sidii loo joojin lahaa dagaalada dhiiga ku daatay ee ka dhacay Gobolka Galgaduud.Advertisement

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shaakir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here