Home WARARKA GALMUDUG War cusub:-Galmudug oo faah faahisay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb

War cusub:-Galmudug oo faah faahisay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ,halkaas oo la filayo inay kulan ku yeeshaan Madaxda Dowladda Soomaaliya & Dowlad goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay tegay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Dowlad goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed oo ku magac dheer Falagle ayaa xaqiijiyay safarka madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha ay ka socoto Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay Wasiir Falagle in markii Madaxda Dowlad goboleedyada ay kasoo laabtaan Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya xasan Abshir Faarax oo ka dhacayo Garoowe in xilliga rasmiga ah uu Madaxweynaha imaanayo Dhuusamareeb lagala shirayo Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka warfaafinta Galmudug in wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb uu dhici doono waqtiga ugu dhow,isla markaana uu rajeynayo in wax wanaagsan ay kasoo baxaan Shirkaasi.

Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo soca tegi doona wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here