Home Uncategorized Wararkii ugu dambeeyay Dagaal saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay iyo saakay aroortii hore halkaasi ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad hubeesan.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Puntland weerar xalay ku qaadeen goob ay joogeen kooxo hubeesan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland iyo kooxaha hubeesan ayaa saakay mar kale dagaal ku dhax maray xaafada Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalka xalay iyo saakay ka dhacay magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in hada xaalada goobihii lagu dagaalamay degan tahay, waxa ayna sheegeen goobjoogayaasha in ciidamada amaanka Puntland la wareegeen inta badan goobihii ay joogeen maleeshiyaadka hubeesan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegaa in ay joogaan maleeshiyaad hubeesan oon cidna ka amar qaadan kuwaa oo u abaabulan qaab beeleed, waxa ayna maleeshiyaadkaasi qeyb ka yihiin falalka amaan daro ee magaaladaasi mararka qaar ka dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here