Home WARARKA GALMUDUG Xog alshabab oo baabuur kala Xildhibano ka tirsan barlamanka…..

Xog alshabab oo baabuur kala Xildhibano ka tirsan barlamanka…..

0

Dagaalyahano lagu tuhmayo ururka Al-Shabaab ayaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Siyaad kala degay gaari uu saarnaa oo marayay inta u dhaxeyso degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.Advertisement

Xildhibaan lala degay ayaa saarnaa gaari ku sii jeeday Muqdisho oo ka yimid magaalada Jowhar,waxayna kooxaha hubeysan kala gaariga xilli uu marayay agagaarka deegaanka Gololeey ee duleedka degmada Balcad.

Odayaal Xildhibaanka la socday oo ka soo badbaaday gacanta Al-Shabaab Muqdishana soo gaaray ayaa xaqiijiyay in Xaaji Maxamed Siyaad u gacan galay ururka Al-Shabaab oo ku xooggan inta u dhaxeyso Jowhar iyo Balcad.

Sidan oo kale, dhawaan ayay ahayd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gaari kala degeen Sarkaal ka tirsan nabad sugida oo marayay inta u dhaxeyso Balcad iyo Jowhar ka dibna barahooda internetka ku soo daabacay iney dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here