Home WARARKA GALMUDUG Xog culus:-hubka beelaha ee uu aruursanayo Madaxweyne qoor qoor halke loo wada?

Xog culus:-hubka beelaha ee uu aruursanayo Madaxweyne qoor qoor halke loo wada?

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa la wareegay hub iyo gaadiid ay lahaayeen dadka kunool Balanballe.Advertisement

Arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshaha  Galmudug ee ku aadan dhisidda ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo hub ka dhigista Maleeshiyaadka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xerooyin gaar ah loo dhisi doono Ciidanka laga soo aruuriyay degaanada Galmudug ee horay Maleeshiyaadka u ahaa, islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhammaan degaanada Galmudug aan laga aqbali doonin in ay ku sugnaadaan maleeshiyaad hubeysan loona badali doono Ciidanka Galmudug.Advertisement

Dhinaca kale arrintaan ayaa kusoo aadeysaa xili uu Madaxweynaha Galmudug wali ku gudajiro Socdaalka Nabadda oo uu kusoo maray deegaano badan oo ka mid ah Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here