Home WARARKA GALMUDUG XOG: Maxaa ka jira inuu Qoorqoor wax ka ogaa Qorshihii lagu riday...

XOG: Maxaa ka jira inuu Qoorqoor wax ka ogaa Qorshihii lagu riday Xasan Cali Kheyre..?

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Muqdisho ugu sugan arrimo caafimaad ayaa dhinaca kale ka wada ololihii ugu weynaa ee uu ku doonayo in xilka Ra’iisal wasaaraha Dalka loo magacaabo mas’uul ay saaxiibo yihiin oo kasoo jeeda Beeshiisa.Advertisement

Arrintan ayaa si weyn u soo shaac baxday markii uu kulamo is daba joog ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu hago siyaasadda madaxtooyada ee xilligan, waxaana wararka soo baxay ay sheegayan inuu Qoorqoor wax ka ogaa qorshihii Madaxweyne Farmaajo ee in xilka laga qaado Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Waxaa arrintan sii xoojiyey inuu Madaxweyne Qoorqoor daacad ka ahayn shirarkii Dhuusamareeb, isla markaana aanu weli magacaabin xubnaha Guddigii Farsamada ee Shirka Dhuusamareeb 3, isagoo intii uu socday shirka Dhuusamareeb 2 iska ilaaliyey inay isku dhacaan Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Axmed Qoorqoor ayaa ka baaqsaday inuu soo dhoweeyo ama macsalaameeyo Ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre markii uu kasoo duulayey magaalada Dhuusamareeb, iyadoo la ogyahay inuu Kheyre taageerada ugu badan ka geystay sidii uu madaxweyne Galmudug uga noqon lahaa Qoorqoor.Advertisement

Kadib imaanshihii Madaxweynaha Galmudug ee magaalada Muqdisho ayaa la dareemay dhaqdhaqaaqa weyn iyo ololaha uu ugu jiro in xilka Ra’iisal wasaaraha uu dhinaciisa soo maro, isagoo sii xoojiyey dadaalka ay xilkan ugu jirto beesha uu kasoo jeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here