Home WARARKA GALMUDUG Warar cusub:-Galmudug oo ka hadashay dagaalo ka dhacay degaannada Maamulkaas

Warar cusub:-Galmudug oo ka hadashay dagaalo ka dhacay degaannada Maamulkaas

0

Maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro ka gaysanayay degaanno ka mid ah maamul goboleedka Galmudug, gaar ahaan degaanka Shabeelow oo u dhow degmada Bacaadweyne.

Sidoo kale Maanta ayaa weerar kale waxaa ay ka dhaceen degaanka Cada-Kibir ee duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Gaduud,waxaana ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

 

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug ay Al-Shabaab ku dileen tobaneeyo ruux kuwo kalena ay dhaawaceen.

Waxaa uu sheegay in degaannada ay dagaalada ka dhaceen ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyaga boo garab siinaya dadka la dagaalamay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here