Home WARARKA GALMUDUG Akhriso maxaa sababay in Qoor Qoor & Lafta-gareen ay Muqdisho isaga...

Akhriso maxaa sababay in Qoor Qoor & Lafta-gareen ay Muqdisho isaga tagaan & Ujeedka

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo aya dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdigiida waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanada golaha wakiilada Dowlad goboleedka Kaoofur galbeed Soomaaliya  iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ka kooban dhalinyaro,Haweenka iyo wax garadka.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowladda Galmudug kaddib safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu kaga qeybgalay shirarkii madaxda DFS iyo DX ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka GM, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee bulshada

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa Sidoo kale ku Sugan Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka.

Ololaha doorashada ayaa lagu waddaa in uu ka bilowdo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here