Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan degaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Qeybta 21aad deegaano ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo Shabaab.
Waxaa uu xusay in degaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Galmudug in dhawaan lagala wareegi doono, islamarkaana ay diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa.
Qoorqoor waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay diyaarisay ciidan ku filan dagaalka Al-Shabaab ka dib markii uu dhawaan tababar u soo xiray ku dhawaad 500 oo askari.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyin ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud.