Home WARARKA GALMUDUG Taliyaha Ciidanka xooga oo safar deg deg ah ku tegay Gobolka Gedo

Taliyaha Ciidanka xooga oo safar deg deg ah ku tegay Gobolka Gedo

0

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed  Janeraal Odawaa  Yuusuf Raage & Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Galabta waxaa ay gaareen degmada doolow ee Gobolka Gedo, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada doolow kusoo dhaweeyay Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor  Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo  Cismaan Nuur Xaaji  Macalimuu Madaxa Amniga Iyo Siyaasada Gobolka  Diini, Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Bakaal & saraakiil kale.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo ay wehlinayaan Wehliya Taliyaha Ciidamada Kumandooska Gorgor Guutada 17aad Gaashaale Dayax Taliyaha Qeybta 43aad Guutada 10aad Ee Gobolka Gedo, Ganaraal Maxamed Cadoow Cali Sanka Iyo Saraakiil Kale ayaa waxaa ay halkaasi kulan kula leeyihiin Saraakiisha Ciidamada & Maamulka degmada Doolow.

Safarkaan deg dega ah ee uu Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa  Yuusuf Raage ku tegay degmada Doolow ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa gorgor ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmadaas, kuwaas oo la sheegay in lagu xoojin doono Ciidamada xaduudka jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here