Home WARARKA GALMUDUG Deg deg ganacsade caan aha oo aano qabiil loogu dilay magaalada gaalkacyo...

Deg deg ganacsade caan aha oo aano qabiil loogu dilay magaalada gaalkacyo ee galmudug

0

DEG DEG:

Nin Ganacsade ah oo lagu Magacaabi jiray Bidaar ayaa goordhow lagu dilay Xaafada Horumar ee Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan halka loo yaqaano buulo bacleey wuxuuna dilkaan salka ku hayaa aano qabiil. Gaar ahaan Beelaha dir iyo Sacad,

Ninka la dilay oo deegaan ahaan kasoo jeeda Deegaanka Tawfiiq ee Gobalka Mudug ayaa la sheegay in wiil uu dhalay uu horey u dilay nin kasooo jeeda koonfurta Gaalkacyo oo lagu Magacaabi jiray Tuurcad Waxaana isla Malayshiyaad hubaysan ay maanta dileen isaga oo ku sugan gurigiisa.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa goordhaw goobta soo gaaray waxaana socda baaritaan

Magalada gaalkacyo oo xarun u ah gobalka mudug aya in mudo ah laga nastay aanooyinka qabiil , blse arinta aya waxay niyad jab wayn ku thy bulshada gobalka mudug

Laamaha amaanka ee gaalkacyo ayaa la filaya in ay faah faahin ka bixiyaan qaabkii ay wax u dhaceen

HALKAN HOOSE SI AAD U DAAWATO DHACDADA GOORDHAW DHACDAY

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here