Home WARARKA GALMUDUG Dil aad looga argagaxay oo ka dhacay Guricel

Dil aad looga argagaxay oo ka dhacay Guricel

0

Bulshada Ku dhaqan Dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa hadal haya dhacdo shalay galab Ka dhacday Dagmadaasi.!

Mid Kamid ah Ardayda dhigatada Iskuulka Omar Binu Abdi Aziz ayaa tooreey ku dhaawacey macalinkiisa, Kadib Markii uu Macalinku Ku Ganaaxay in uu banaanka u baxo maadaama uusan sidan buuggii uu casharka Ka qaadan lahaa.

Ardaygan oo Ka caraysan ciqaabta macalinkiisa ayaa shalay galab tagey Xiisad macalinku bixinayay, isaga oo dhowr jeer tooreyda ku mudey macalinka ilaa uu dhulka ku dhacey.

Ciidamada Booliiska Dagmada Guriceel ayaa Xalay Xabsiga u taxaabay Ardaygii gaystay weerarkan uu nafta ku dhaafin gaarey macalinkiisa.

Macalinka oo dhaawac culus uu kuyaalo ayaa lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Guriceel, waana fal ku cusub Gobolada Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here