Home WARARKA GALMUDUG Sawiro: isbadal lagu sameeyay marsada hobyo iyo doon siday shixnad oo hobyo...

Sawiro: isbadal lagu sameeyay marsada hobyo iyo doon siday shixnad oo hobyo ku soo xiratay

0

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maantay Booqday Dekadda Magaalada Hobyo, halkaasi oo ay kusoo xiratay Dooni Ganacsi muddo bil gudiheed ah.

Wafdigaan ayaa waxaa hor kacayay wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka Galmudug oo ay wehlinayaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Degmada Hobyo.

Maareeyaha Dekadda Habyo C/risaaq Maxamed Ducaale iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Hobyo Maxamud Maxamed Cawaale ayaa kusoo dhaweeyey dekadda wafdiga ka socday Galmudug, iyagoo warbixin ka siiyay howlaha Magaalada Hobyo.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda Howlo Ganacsi oo maalin ba maalinka ka dambeeya sii xoogaysanaysa isla markaana ay ganacsatada Galmudug kusii dhiiranayaan maalgadhiga degaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here