Home WARARKA GALMUDUG Galkacyo oo wada casri ah laga dhagax dhigay

Galkacyo oo wada casri ah laga dhagax dhigay

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan sheeg Xasan oo uu weheliyo ku Xigeenkiisa Maxamed Cabdi Cilmi ayaa dhagax dhigay Dhismaha Wadooyin la dhigayo Enter Lock kuna yaala gudaha Suuqa Weyn ee Gaalkacyo si aanay Biyuhu u fariisan Xilliyada Roobka Sarana loogu Qaado bilicda suuqa Gaalkacyo.

Mashruucaan waxaa iska kaashanaya Ganacsatada Suuqa Weyn ee Gaalkacyo iyo Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo waxaana ujeedku yahay in Suuqa biyaha laga saaro maadaama ay kolkii hore Suuqa biyo xiri jireen Marka uu roobku da,o waxaana talaabadaan oo ay soo hindistay Dowladda hoose si weyn usoo dhaweeyay Ganacsatada.

Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Duqa Degmada Gaalkacyo wuxuu sheegay in sidoo kale ay fureen Dhisina doonaan Wadooyinka Suuqa Soo gala Mashruuca suuqa biyaha looga saarayana uu yahay mid faa,ido badan u leh dhamaan dadka reer Gaalkacyo.

ga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here