Home WARARKA GALMUDUG Degdeg Dagaal culus oo ka dhacay meel udhow Dhuusamareb iyo Sarikiil ku...

Degdeg Dagaal culus oo ka dhacay meel udhow Dhuusamareb iyo Sarikiil ku geeriyootay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen goordhow Deegaanka Sinadhaqo oo dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo Deegaankan oo ay Kooxda Alshabaab kasoo abaabuli jirtay weerarada dhaba-galka ah looga qabsadey fariisimihii ay daganaayeen oo ay isaga carareen.

Taliyaha guutada 15-aad, qaybta 21-aad ciidanka Xoogga dalka Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay inay dileen xubno Alshabaab ka tirsan oo ay meydadkood yaalaan halka dagaalku ka dhacey, haatana ay wadaan tirakoobka qasaaraha rasmiga ah

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ka dhacay deegaanka Sinadhaqo ee Gobolka Galgaduud.

Muddooyinkii dambe ciidamada Dowlada ayaa howl-gallo ballaaran ka waday Deegaanada koonfureed ee Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan meelaha ay weerarada kasoo abaabulaan Al-Shabaab.

Alle ha u naxariisto waa Abaanduulihii Ururka 71-aad, Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Dhamme: Sayid Bicir waxuu ku shahiidey dagaal u dhexeeya Ciidamada Xoogga iyo Kooxda Alshabaab oo ka socda Deegaanka sinadhaqo ee Koonfurta Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkan waxaa sidoo kale Alshabaab looga diley 3-xubnood oo ay ka carareen meydkooda iyadoo looga furtay qoryihii ay siteen oo uu kujiray qori BKM ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here