Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” oo Maanta booqdey furimaha dagaalka.
Deegaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo Dhuusamareeb kaga beegan jahada koonfureed ayuu Madaxwaynuhu tagey si uu ugu bogaadiyo Ciidamada Dowlada Federaalka guulaha ay kasoo hooyeen Howlgalo maalmahan socdey oo lagu xoreeyay deegaanadaaasi Argagaxisadu dhuumaaleysiga ku joogtay.
Madaxwayne QoorQoor oo ay Wehliyeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa sida Wasiirka Amniga Fiqi ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha Deegaanadaasi qabtey ku tilmaamey geesiyaal looga fadhiyo in ay hore usii wadaan dhaqaaqooda ilaa laga gaaro dhulka fog ee xeebaha ku teetsan.