Home WARARKA GALMUDUG mid ka mid ahaa Dhaqaatiirta ugu caansanaa magaalada Muqdishu oo...

mid ka mid ahaa Dhaqaatiirta ugu caansanaa magaalada Muqdishu oo la dilay

0

Waxaa goordhaw xaafada Al Baraka ee degmada Hodan lagu dilay Allaha u naxariistee Dr Xasan Cismaan Ciise Dr Buurane, oo  kamid ahaa Dhaqaatiirta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Sida aan wararka ku helnay dilka Dhaqtar Buurane waxaa fuliyay kooxo biskoolado ku hubeesan kuwaa oo ku toogtay banaanka gurigiisa, kooxdii dilka fulisay ayaana si deg deg ah goobta uga baxsatay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida gobolka Banaadir ayaa dilka kadib goobta gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wali la shaacin natiijada kasoo baxday.

Dr Buurane ayaa kamid ahaa dhaqaatiirta magaalada Muqdisho kuwooda ugu caansan, waxa uuna dhaqtarkan xarun caafimaad ku lahaa kasoo horjeedka Baar Ceynu Shamsi oo kuyaala degmada Hodan, waxa uuna ku takhasusay cudurarada ku dhaca Maqaarka.

Wali lama oga sababta keentay dilka saakay magaalada Muqdisho loogu geestay Dr Buurane, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkan oo si weyn uga argagaxeen dad badan oo aqoon u lahaa dhaqtarka.

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal qorsheesan iyo kuwa ay sababaeen madaafiic madaxtooyada lagu soo tuuray, waxaana dilalkan dhacayaan xili ciidamada amaanka magaalada howlgalo ka wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here