Home WARARKA GALMUDUG Puntland oo jawaab kulul ka bixisay Hadal kaso yeeray Madaxweyne Qoorqoor

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay Hadal kaso yeeray Madaxweyne Qoorqoor

0

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Barre Cato ayaa ka jawaabay hadal uu jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor kaas oo ahaa in Ciidamada Galmudug ay Shabaab ka horjoogaan Maamuladda Qaarkood.

Gudoomiye Caato ayaa yiri ” Hadalkaasi waa Hadal wedkiis galay, waxaa uga wanaagsanayd inuu yiraahdo Alshabaab annaga iyo Maamullada Deriska ah isku si bay noola dagaalamayaan balse hal libaax arkaysaa ma Godlato Farmaajo iyo kooxdiisa villa Somalia ayaa hadalkiisa qoraya, Cadowga degmooyinka waaweyn kaa haysta ka sifee Galmudug, Puntland horay baad Al-Shabaab hubaysan ugu deysey hadday canaad kaa ahayd iyo Haddii tabari kuu runsheegteyba”

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa kusoo xiray ” Hadda iyo dan, Bulshada Galmudug iyo Puntland Derisnimada iyo Dan-wadaagta isma huraanka ah xaq dhowr oo mustaqbalkoda tixgeli”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here