Home WARARKA GALMUDUG Ganacsade dhowr maalin kahor Gurigiisa lagala baxay oo meydkiisa Caawa laga helay...

Ganacsade dhowr maalin kahor Gurigiisa lagala baxay oo meydkiisa Caawa laga helay Magaalada Gaalkacyo

0

Maydka Cabdulaahi maxamuud jaamac oo ahaa ganacsade caan ka ahaa Galkacayo, isla markaana ahaa Mullkiilaha makhaayada Herer Restaurant ayaa saaka la keenay Cisbitaalka Dhagacade Ee magaalada Gaalkacyo dhanka puntland.

Marxuumka oo degaan ahaana ka soo jeeday gobolka Hiiraan ayaa mudo dheer dagana Galkacayo.

Ehelka Marxuunka ayaa sheegay in maalmo ka hor gurigiisa ay kala bexeen ciidamada amniga Gobolka Mudug ee Puntland, ciidamadas ayay sheegen Eheladu inay Koronto ku dileen marxuum cabdullahi balse waxaa socda Baaritaan ay wadaan bahda Caafimaadka.

Dhanka Laamaha amniga Puntland oo aan kala xiriirnay dhacdadan in ay jawaab naga siiyaan ayaanan wali ku guuleysan in aan ku helno xiriirada aan la sameynay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here