Home WARARKA GALMUDUG Daawo sawiro dheraad ah ciidamadii gorgor ee dhusamreeb maanta laga dajiyay iyo...

Daawo sawiro dheraad ah ciidamadii gorgor ee dhusamreeb maanta laga dajiyay iyo sarakisha hogaaminaysa

0

Ciidamada oo gaaraya in ka badan 50 Askari ayaa wararka aan helnay waxaaa ay sheegayaan in ujeedka loo geeyay Magaalada Dhuusamareeb inay tahay sugida Amniga doorashada Xildhibaannada labada Aqal oo halkaasi lagu qabanayo.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa hobyomedia u sheegay in la dejiyay Xero ku taal Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana Ciidamada ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer Magaalada Dhuusamareeb geeysay Ciidamo kala duwan, waxaana xusid mudan in Maalin ka hor Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad in la geeyay Magaalada Jowhar oo kamid ah magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here