Home WARARKA GALMUDUG Xog sidee loo qabtay saraakishii alshabab ee galmudug lagu qabtay?

Xog sidee loo qabtay saraakishii alshabab ee galmudug lagu qabtay?

0

Ciidamada Booliiska Dhuusamareeb ayaa qabtay gaadiid ay la socdeen kala dagey rag dhalinyaro ah oo kayimid Hargaysa kuwaa oo kusii jeeday Deegaanka Luuq-jeelow oo hiiraan ka tirsan kana mid ah meelaha Alshabaab ay joogaan.

Taliyaha Ciidanka ilaaliyaha baraha koontaroolada ee Gobolka Galgaduud Dhamme: Cabdi yare ayaa xaqiijiyay in ragan oo lagu kala magacaabo, Jaabir xassan Diiriye iyo Yuusuf Cabdirisaaq ay Alshabaab kaga biireen Magaalada Hargaysa, isla markaana ay haatan tagi lahaayeen xero tababar oo kutaala Hiraan, balse waxaa xogtooda goor hore helay Booliiska Galmudug oo gacanta kudhigey.

Sarkaalka u hadley Booliiska ayaa xaqiijiyey in dhalinyaradan oo qirtay in ay Alshabaab u socdeen ay xaqiijiyeen in ay qayb kayihiin tiro dhalinyaro ah oo lagu shubey fikirka argagaxisada, si ay Somaliland kaga tagaan oo ay kaga barbar dagaalamaan Argagaxisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here