Home WARARKA GALMUDUG Fah fahin : qoor qoor oo cadeeyay sababta dagaalka loo bilaabay iyo...

Fah fahin : qoor qoor oo cadeeyay sababta dagaalka loo bilaabay iyo goorta la xoreynayo Xarardheere

0

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Abdi Kaariye ayaa  magaalada Gaalkacyo kula tukaday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa salaadda ka dib hambalyada Ciidul Adxaa u diray dhamaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku suganyihiin.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaanada Galmudug, saga oo sheegay in ay ka gacan sarreeyaan cadowga kana guulkeeni doonaan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Dowladda Goboleedka Puntland oo Iskaashi iyo garab istaag u muujisay Dowladda iyo shacabka Galmudug, wuxuuna ugu baaqay Maamulka  Puntland inay sii laba jibaaraan Iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Axmed Abdi Kaariye  ( Qoor Qoor) Madaxweynaha Galmudug wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS inay si isku mid ah uga qeyb noqdaan howlgalada lagu soo afjarayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu danbeyntii sheegay in Galmudug ay dhinaca kale u diyaar tahay qabashada Doorashada labada aqal ee BFS, isaga oo  hoosta ka xariiqay in Galmudug muddo dheer ay geed fadhi u aheyd dadaalada lagu doonayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah , Sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyada iyo habraacyadii arrimaha doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here