Home WARARKA GALMUDUG Shirkii dhaxeeyey Madaxwene Farmaajo iyo Raysulwasaare Rooble oo ugu Danbayntii lagu...

Shirkii dhaxeeyey Madaxwene Farmaajo iyo Raysulwasaare Rooble oo ugu Danbayntii lagu kala Tagay

0

Shirkii lagu dhex dhexaadinayay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, iyadoo goordhow lagu kala tagay, kaddib saacado badan oo ay is hor-fadhiyeen.

Labada dhinac ayaa isku mari waayay qodobada kala ah kiiskii Ikraan Tahliil in lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo hey’addaha Cadaaladda u gudubto iyo arrinta Taliyaha NISA.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu diiday labadaas qodob, kuna adkeystay in gorgortan aan laga geli karin, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu mowqifkiisa ku taagnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here