Home WARARKA GALMUDUG Xogta ku saabsan Qoor-Qoor oo dhexdhexaadin ka wada Khilaafka Farmaajo & Rooble.

Xogta ku saabsan Qoor-Qoor oo dhexdhexaadin ka wada Khilaafka Farmaajo & Rooble.

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaallo lagu isugu soo dhaweynayo Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo is hayay dhowrkii cishe lasoo dhaafay.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble waxa uu xooggiisa ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil, kaddib markii Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya uu Hay’adda NISA ka dalbaday 4-tii September 2021-kii in muddo 48-saac uu agaasimaha Nabadsugidda kusoo gudbiyo caddeymo ku filan kiiskaas.

Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug ayaa Koofur Galbeed ayaa sameeyay dedaallo kala duwan oo kula kulmeen Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo six al loogu helo khilaafkooda uu gaaray meel sare.

QoorQoor & Laftagareen waxa ay markale maanta sameynayaan isku day kale oo ay ku doonayaan in kula kulmaan Farmaajo iyo Rooble si dedaallada ay wadaan aanay u dhicisoobin maadaama rajo badan ay ka qabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here