Home WARARKA GALMUDUG Aqri:- Tirada Ciidamada Qoor Qoor uu dalbaday iyo Ciidankii Maanta laga dajiyay...

Aqri:- Tirada Ciidamada Qoor Qoor uu dalbaday iyo Ciidankii Maanta laga dajiyay Dhuusamareb, Dagaal laga cabsi qabo

0

Madaxweyne qoor qoor aya dowlada dhexe ee soomlia waydiisytay ciidamo farbadan kadib markii kooxda ahlusuna ay soo labo kacleeyeen lana wareegeen degano farabadan oo hoos taga dhuusamareeb

Ciidamadaan oo gaaraya ku dhawaad 200 ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan in gacanta Maamulka Galmudug lagu soo celiyo Degmada Guriceel oo jimcihii la soo dhaafay ay la wareegeen Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Qoor qoor aya dalabay in ka badan 800 boqol oo askari kuwaasi oo laga keenayo magalada muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada la dejiyay qeyb kamid ah Magaalada, iyaga oo ku biiray Ciidamo dhawaan la geeyay halkaas.

Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada taabacsan Ahlusunna ee la wareegay Guriceel.

Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegeen in aysan u socon dagaal ay la galaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug balse ay la dagaalamayaan Al-Shabaab, hayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay sheegeen in Ahlusunna ay doonayaan inay burburiyaan Maamulka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here