Home WARARKA GALMUDUG Culumada Ahlusuna ee ku sugan bandiiradlay oo wacad ku maray Hadii Guriceel...

Culumada Ahlusuna ee ku sugan bandiiradlay oo wacad ku maray Hadii Guriceel la weeraro inay Difaaci donaan

0

Culimada Ahlsunna waljamaaca ee ku sugan Degmada Bandiiradley ee Gobolka Mudug oo qaatay hubkooda iyaga oo Sheegaya in ay la safanyihiin Ahlusunnada Guriceel Xooga kula wareegtay.

 

Culimadaan oo ku hubeesan hubka Nuucyadiisa kala duwan ayaa tilmaamay in dhiigooda u huri donaan sheikh Maxamed shaakir Cali Hassan iyo Macalin Maxamuud  hadii Galmudug weerertana Guriceel ay u gurmandoonan.

 

Hadalka Culimadaan ayaa imaanaya iyadoo Dhuusamareeb Galmudug kawado abaabulkii u danbeeyey ay Guriceel ku waarareyso si ay gacanta markale ugu dhigto.

 

Dhanka kale Ahlusunna ayaa iyadana Guriceel kawada abaabul Xoogan si Gulufka ku soo socda ay iskaga difaacaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here