Home WARARKA GALMUDUG Ma dib ayey usoo rogaal celisay awooddii la wiiqey ee Ahlu Sunnah?

Ma dib ayey usoo rogaal celisay awooddii la wiiqey ee Ahlu Sunnah?

0

Wararka ka imanaya deegaanka Bohol, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhex marey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunnah.

Wararku waxey intaa ku darayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Bohol, taasoo 20km u jirta magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta maamulka GalMudug, iyadoo dhawaan ay halkaasi Ahlu Sunnah Waljamaaca ay ka sameysatey saldhig.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashey dhimasho iyo dhaawac. Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Cabdulraxmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow) oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa xaqiijiyay dagaalka balse ka gaab sadey inuu faah faahin ka bixiy dagaalkii ka dhacey Bohol, khasaaraha dagaalka iyo cidda gacanta hadda ku haysa deegaankaasi.

Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed, kuxigeenkii hore ee hey’adda nabad sugidda ee Soomaaliya, haatana ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga ee gobolka, ayaa sheegay in dagaalka ka dhacey Bohol ay tahay fashil ku yimid maamulka GalMudug.

Wuxuu Cabulsalaan intaa raaciyey in awoodda lagala hortagayo Ahlu Sunnah, ay ku habboon tahay in lagala hortago ururka Alshabaab, kuwaasoo sida uu sheegay khatar weyn ku haya amniga iyo nolosha dadka GalMudug.

Hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdulraxmaan Cabdulashakuur, ayaa dalbadey in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Bohol, ee katirsan maamulka GalMudug.

Cabdulraxmaan Cabdulshakuur ayaa ku booriyey maamulka GalMudug, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka in gacan hadalka aanan dhibaatada jirta xal looga gaareyn.

“Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto.” Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaallada qabiillada ee deegaanka ku soo batay, Shabaabka oo caqabad ku nqodoay gobolka. Waxaana fursadaasi abuuray maamulka Galmudug. waxay rabaan siyaasad ahaan in dib uqabsadaan mamaulkii horay loga saaray oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta,” ayuu yiri Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed.

Maxaa wiiqay markii hore awooddii Ahlu Sunna?

Ahlu Sunnah ayey ciidamada federaalka Soomaaliya kala wareegeen magaalada Dhuusa Mareeb oo xarun u aheyd 29-kii February, 2020-kii, halkaasoo uu ku dhex marey dagaal muddo socdey.

GALMUDUG

Ururka Ahlu Sunna ayaa in muddo ah ka talinayay qeybo badan oo ka tirsan gobollada dhexe, laga soo billaabo sanadkii 2010, oo ay dagaal kula jireen Al-Shabaab, iyaga oo in badan kaashanayay ciidamada Itoobiya. Ma ahan markii ugu horreeyay ee ay so rogaal celiyaan.

Ahlu Sunna ayaa markii dambe xoog ku muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay Ahlu Sunna waxay ahaayeen cudud muuqata oo gorgortan weyn ku leh arrimaha gobolladaasi.

Waxay si weyn loollan ula galeen dowladdii Xasan Sheekh, mar la doonayay in la dhiso maamulka Galmudug oo xaruntiisa ku meelgaarka ah in muddo ah ku shaqeynayay.

GALMUDUG

XIGASHADA SAWIRKA,GOOBJOOG NEWS

Hase yeeshee, Dhuusamareeb ayay Ahlu Sunna uga dhawaaqday maamul ay ugu magacdartay “Dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe”, waxaana jiray in sanaddadii dambe ay isu gacan qaadaan maamulkii markaa ka dhisnaa Cadaado iyo Ahlu Sunna. Balse awooddaasi ayaa markii danbe u muuqatey mid wiiqantey.

Isbadalkii ka dhacay Itoobiya

Siyaasad ahaan iyo cudud ahaan Ahlu Sunna waxay in badan ku tiirsanayd ciidamada dowladda deriska ah ee Itoobiya, oo gacan ka siiyay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

Xukumadihii Itoobiya ee ka horreeyay midda hadda jirta ee uu hoggaaminayo Dr Abiy Ahmed, ayay Soomaali badan ku eedeynayeen iney faragelin xoogan ku haysay siyaasadda Soomaalida.

Balse isbadalka ka dhacay dalkaasi Itoobiya sanadkii 2018-dii, ee uu hormuudka ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Axmad ayaa saameyn weyn ku yeeshay taageeradii Ahlu Sunna ay ka heli jirtey dhanka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here