Home WARARKA GALMUDUG Xildhibaanadii ahlusunna Guriceel ugu tagay oo qodabadii ahlusuna Dalbatay Qoor Qoor Usoo...

Xildhibaanadii ahlusunna Guriceel ugu tagay oo qodabadii ahlusuna Dalbatay Qoor Qoor Usoo Gudbiyay iyo Rajo laga qabo in ahlu Suna Guriceel ka Baxdo

0
Xildhibaanada Beesha Cayr ku matala Baarlamaanka Galmudug oo maalmo kahor tagay Degmada Guriceel ayaa fariin ka keeneen Hogaamiyaasha Ahlusunna oo dhowr qodob ka koobneed xalay lawadaagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor
Qodobada Ahlusunna usoo dhiibtay Xildhibaanada ayaa kala ahaay
1- in Maamulka Degmada Guriceel ee taabacsanaay Galmudug uu dib ugu laabto Degmada
2- Taliska Booliska ee horay ushaqeenayay shaqadiisii dib ubilaabo
3-wasaaradda maaliyada howlihii Canshuur aruurinta ee ay kawada Guriceel halkeedii ay kasii wado
4- in Gudi labada dhinac soo magacaabaan kuwaas oo ka shaqeyn doona isfahan iyo hishiis dhexmara Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug
Xiildhibaanada ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor Dhankiisa usheegay in Galmudug ay dalbaneyso in Ahlusunna dib ugu laabato Goobihii ay kasoo duushay kadibna wada hadal diyaar unoqoto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here