Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta shaaca ka qaaday in nin ajnabi ah uu fuliyey qaraxii ugu horreeyey ee lagu billaabay weerarkii ay kooxdan dhawaan ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidamada Burundi oo ku yaalay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas ismiidaaminta ah uu fuliyey Jamaal Diba Diida oo kooxda dhexdeed looga yaqaano Zubeyr Al Muhaajir, kaasoo u dhashay dalka Kenya.
Ninkaan ayaa cod laga duubay kahor inta uusan is qarxin ku sheegay inuu sanadkii 1996 ku dhashay magaalada Isiolo ee dalka Kenya.
Codka uu duubay ayuu ninkaan ajnabiga ah ugu hanjabay ciidamada Burundi inay dhibaato xoog leh kala kulmi doonaan imaanshiyahooda Soomaaliya, islamarkaana aysan kooxda joojin doonin weerarada lagu hayo saldhigyada AMISOM inta ay Soomaaliya ka baxayaan sida uu hadalka u dhigay.
Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Ceelbaraf oo ay dagaayeen ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Sarkaal u hadlay Dowladda Burundi ayaa sheegay in weerarkaas ay uga geeriyoodeen illaa 30 Askari, halka uu sheegay inuu dhaawaca kor u dhaafayo 20, sidoo kalana ay jiraan kuwa nolol iyo geeri lagu la’yahay.
Weerarka Ceelbaraf ayaa noqonayo mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaado saldhigyada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.