DegDeg: Xiisad colaadeed ayay ku waabariisatey Magaalada Dhuusamareeb oo ay qaybo kamid ah xaafadaha magaalada soo galeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda la baxday Ahlusunna ee Bohol.
Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa inta badan xarumaha muhiimka ah iyo dabaqyada Magaalada saaran, halka xubnaha Ahlusunna ee Dhuusamareeb soo galay lagu arkayo Xaafadaha Waabari iyo Waxarcade, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay is waydaarsanayaan labada dhinac oo aad isugu dhow.