Home WARARKA GALMUDUG Howlgal culus oo maantay lagu fuliyau gaalkacyo

Howlgal culus oo maantay lagu fuliyau gaalkacyo

0

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi Oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan golaha Deegaanka ee degmada Gaalkacyo ayaa Maanta ka qeyb galay Howl gal balaaran oo lugu bur burinaayay goobo ganacsi oo sharci dara ah Oo dadweynaha ay ka dhisteen Hareeraha Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo.

Howl galkaan ayaa intii uu socday waxaa cagta lugu mariyay meherado kaalmo shidaaleed kuwaas oo ku yaaley Hareeraha Wadada Astaan Golol oo uu ka socdo Dhismaha Wado laami ah.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng Maxamed Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Howl galkaan uu Socon doono inta laga soo gaban gabeenaayo Dhismayaasha sharci darada ah ee ku yaalo Wadooyinka ugu Muhiimsan Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here