Home Uncategorized Sawirro: Diyaarad siday 30 qof oo ku burburtay garoonka Aadan Cadde

Sawirro: Diyaarad siday 30 qof oo ku burburtay garoonka Aadan Cadde

0

Shil diyaaradeed ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku burburtay diyaarad sida dad shacab ah, sida ay muujinayaan xog iyo sawirro ay heshay Hobyo Media

Sida ay hoyomedia u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa shilka uu ka dhashay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Jubba Airways, taas oo lasoo wariyey inay burburtay gebi ahaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay shilka gashay, xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha garoonka, waxaana ka dhashay dab xoogan oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, balse burburiyey diyaaradda

 

Diyaaradda ayaa sameysay duulimaad gudaha dalka ah, waxayna dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay 30 qof ay kasoo qaaday magaalada Baydhaba.

Waxaa lasoo bad-baadiyey dhammaan rakaabka la socday diyaaradda oo neeceedu ahaa Fokker 50, mana jiro khasaare dhaafsiisan burburka diyaaradda shirkadda Jubba Airways, sida aan xogta ku helnay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here