HM-xafiiska cadaado : Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray labo maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Caabudwaq iyo Cadaado ayaa maanta ka dhacay deeganka Labo Galle oo katirsan waqooyiga Galgaduud
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 5 ruux, tiro intaas kabadan oo dhaawacantay ayaa la kala geeyay Cadaado iyo Caabudwaq
Dagaalka ayaa salka ku haya arimo deegan ilaa iyo hadana ma jirto cid ku baxday si loo kala wado maleeshiyadka dagaalamay.
Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta hobyomedia aya sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu xoogeysto madama labada dhinac ay isku hub aruursanayaan.
Ma jirto ilaa iyo hada cid ka socota maamulka galmudug oo iski dayday in dagaalka ay joojiyaan.
Wixii warar ah oo ku soo kordha kala soco hobyomedia.com