Home Uncategorized WARARKA MAANTA Alshabaab oo xalay Saqdhexe weerar Gaadmo ah looga Dilay 30 Askari

Alshabaab oo xalay Saqdhexe weerar Gaadmo ah looga Dilay 30 Askari

0

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ka badan 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ciidanka dowladda ku dileen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay dagaalyahanada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta kooxdan ayaa dowladda sheegtay in ay gaarsiiyeen jab xooggan.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka dagaalyahanada Al Shabaab ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here