Home WARARKA GALMUDUG Beesha Sacad oo Soo Bandhigtay Hub culus iyo Ciidamo dhawaan Weerari ...

Beesha Sacad oo Soo Bandhigtay Hub culus iyo Ciidamo dhawaan Weerari Doona Alshabaab(Sawiro)

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa maanta booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka Degmada Wisil

Wafdiga ayaa booqday Xeryaha Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka ee Dagaalka kula jira Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab waxayna ku amaaneen Ciidamada doorkooda ku aadan ilaalinta Badbaada shacabka Soomaaliyeed

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa la kulmay Saraakiisha Daraawiishta, kuwa Deegaanka iyo maamulka Degmada Wisil waxayna ka dhagaysteen Baahiyada Ciidamada

Wasiirka iyo Gudoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale booqan doona fariisimaha Ciidamada Deegaanka ay ku leeyihiin deegaanada kale ee Gobolka mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa 2 sano Dagaal ka dhan ah Maleeshiyaadka Al shabaab ka wada deegaanada Galmudug

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here