aba kulan oo maanta ay kala lahaayeen Labada Gole ee Baarlamaanka JFS ayaa baaqday, Fadhiga Golaha Shacabka ayaa u baaqday Kooram la’aan kaddib markii Xildhibaannada tagay ay gaari waayeen 139 Mudane oo ah tirada loogu talagalay in uu kulanka ku furmo.
Ajendaha Kulanka Golaha Shacabka maanta looga hadli rabay horay looma shaacin, warbaahinta waxaa lagu wargeliyay keliya in ay xaadiraan dhismaha Villa Hargeysa oo si KMG ah Golahaas ugu shaqeeyo.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow oo la hadlay Xildhibaannada tagay Villa Hargeysa ayaa u sheegay in ay is diiwaangeliyeen 78 Mudane halka la rabay in ay tagaan ugu yaraan 139 Xildhibaan.
Abshirow waxa uu Xildhibaannada ku baraarujiyay in ay xaadiraan 9:00 AM (9ka Subaxnimo) si loo helo kooram (Tiro Xildhibaanno ah) oo uu ku furmi karo fadhigooda xiga oo uu ku ballamiyay Isniinta oo ah 12ka December 2022.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xusay in ay jiraan Mooshinno ay u gudbiyeen Xildhibaannada Golaha & Dooda adag oo kale.
“Annaga oo ku dhaqmeyna sharciga xeer hoosaadka Baarlamaanka halkii saac aan ku darnay waala gaaray marka waxa aan ku qasbanahay in aan sharciga raacno aan fadhigii soo xirno, 78 Xildhibaan ayaa fadhiga joogta waxa uu kooramka ku furmayaa 139 Mudane, annaga oo og dhibaatooyinka ka jira dhinaca baaritaanka Amniga haddana Xildhibaanka wuu imaan lahaa haddii aan isku dayno in aan xilli hore imaano, marka ugu horreysa waa in aan ku dedaalnaa sidii aan u imaan lahayn 9ka subaxnimo Isniinta si aan uga hadalno Mooshinno Xildhibaanno soo gudbiyeen & shuruuc la rabo in aan ansixino oo ku xiran arrimaha deyn cafinta” Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Dhanka kale, waxaa baaqday Fadhi Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka JFS uu ka lahaa labo qodob oo kala ah: 1-Ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka ee OC & 2-Ka doodista iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka.
Guddoonka Aqalka Sare & qaar kamid ah Senatarada aqalkaas ayaa kulan gaar ah oo Saxaafadda dibad-joog ka tahay yeeshay, markii uu soo dhammaaday waxaa Suxufiyiinta lagu wargeliyay in uu baaqday fadhiga balse looma raacin sababta baajisay.