Home WARARKA GALMUDUG 15 sano kadib degmada Xarar-dheere iyo galcad oo shabab laga xoreyay (warbixin)

15 sano kadib degmada Xarar-dheere iyo galcad oo shabab laga xoreyay (warbixin)

0

Ciidamada ayaa intii ay dhaafi waayeen ka rakaabka dhow degmada Galcad basle ugu danbeyn maanta ay gudbeen iyagoo aan wax dagaal ah ka dhicin ururka Al-Shabaab.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa duqeymo diyaaradeed ay ka dheceen degaano hoostaga degmada Galcad, taas oo lala xiriiriyay Saldhigyo ay ku xireen Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galguduud ayaa waxaa ay isku arkeen ciidamo gurmad ah iyo kuwa deegaanka oo wata hub, kuwaas oo galayq eybo kamid ah degmada.

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa hadda baaritaan ka wada xaafadaha degmada, halkaas oo muddo sanado ah ay maamulayeen Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur jakaarta ayaa xaqiijiyay qabashada degmadw Xaradheere.

Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowlwdda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa kusii qul qulaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, kuwaas oo doonaya inay isku fidiyaan degaannada kale ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here