Ciidanka Booliiska Gobalka Mudug ayaa maalintii labaad ka wada deegaano ka tirsan Gobalka Mudug howlgallo lagu baadi goobayo dableey hubeysan oo dad shacab ku laayay wadada u dhaxeysa deegaanada kaxan dhaale iyo Galgalad oo ku yaala galbeedka gobalka mudug
Xilli mudooyinkii u danbeeyayba ay ka socanayaan deegaanada gobalka mudug dadaalo lagu xoojinayo amniga nabad galyada dib uheshiisiinta iyo isdhax galka bulshada ku nool deegaanada xadka u ah dowlad gobaleedyada Galmudug Puntland iyo dhulka ismaamulka soomaali galbeed ayaa waxaa saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Fadaraalka Qeybtooda Galmudug gaar ah taliska Qeybta Booliiska Gobalka mudug waxa ay gaareen⁹ deegaanka Galgalad ee ku yaala galbeedka Gobalka mudug halkaas oo ay kasoo kordheen xiisado colaadeed oo ka dhashay dil iyo dhaawac maleeshiyaad xoola dhaqata ah oo kasoo jeeda Galmudug ay u geysteen dad shacab ah oo ku safrayay mid ka mida wadooyinka xiriiriya deegaanada Kaxandhaale iyo Galgalad weerarkaas oo uu ku naf waayay hal ruux laba kalana uu dhaawac kasoo gaaray
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka mudug G/dhaxe Cali Muuse Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta galmudug ayaa bulshada deegaankaasi la qaatay kulan ballaaran kaas oo intiisa badan looga arinsanayay sidii looga samafali lahaa dilka iyo dhaawac loo geystay dadka ay ood wadaaga yihiin sidoo kalana gacanta loogu soo dhigi lahaa dableeydii weerarka hubeysan geystay kuwaas oo haatan baxsad ku maqan walina laamaha amnigu ay ku guda jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo nabad galyada bulshada deegaanka iyo ciidamada amniga
Qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka qeyb galay ayaa iyaguna ka dhawaajiyay in falalka ceynkaan oo kala ah in ay soo noq noqdaan ay tahay mid aan loo baahneyn iyagoona xusay in ay u arkaan in qaarkood ay yihiin kuwo meelo kale laga soo abaabulayo laguna qasayo howlgalka sifeynta khawaarijta Argagixisada Al shabaab oo haatan ku dhow mid gabo gabo ah lagana rajo qabo in dhawaan lasoo afjaro
Kulanka kadib ayaa warbaahinta Qaranku wareysi gaara kala yeelatay Taliyaha Qeybta booliiska Gobalka mudug G/dhaxe Cali Muuse Maxamuud kulanka qodabadii kasoo baxay ee lagu heshiiyay iyo dadaalka ciidamada amnigu ay ugu jiraan sugidda amniga iyo soo qabashada shaqsiyaadkii fuliyay weerarka sababay dhimashada iyo dhaaawac dad shacab ah waxaana uu sheegay in wado kasta ay u marayaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa
Dhinaca taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug G/dhaxe Cali muuse Maxamuud iyo saraakiishii ku wehlisay socdaalka ayaa gaaray deegaanada laan waaleey iyo tuula qorax. Iyagoona kala hadlay bulshada ku nool deegaanadaasi oo u badan dad reer guuraa ah in ay ka shaqeeyaan sidii loo adkeyn lahaa amniga nabad galayada iyo daris wanaaga kana feejignaadaan Qorshayaasha ay maleegayaan Nabadiidka ee ah in gobalka mudug ay colaad beeleed ka huriyaan isla markaana kusoo wargaliyaan laamaga amniga ciddii ay u arkaan in ay ka shaqeeyneeyso hurinta Colaado laga dhax abuuro dadka daris wadaaga ah ee kasoo kala jeeda kuna kala nool deegaanada ood wadaaga ah ee Puntland Galmudug iyo dhulka ismaamulka soomaali Galbeed
W/D:Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Galkacyo