Home WARARKA GALMUDUG Xog maleeshiyadii gaalkacyo dadka ku layay oo gacanta lagu dhigay

Xog maleeshiyadii gaalkacyo dadka ku layay oo gacanta lagu dhigay

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa waxa uu si adag u cambaareeyay falkii dilka ahaa ee loogu gaystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo  allaha unaxariistee Marxuumiinta kala ah Burhaan Jaamac iyo Farxaan Nasar, Janatul , isaga oo ehelada iyo qoyskii ay ka baxeen alla uga baryayin uu samir iyo iimaan  ka siiyo, dadka ku dhaawacmay falkaasna iyagana allaha caafimaad taama siiyo.

” Marka ay dhacdadaasi dhacday kadib Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa laamaha Amniga Gobolka Waxa uu faray in baaritaan deg-dega la sameeyo cidii falkaa gaysatayna gacanta lagu soodhigo iyadoo laga duulayo Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolkan, ugu danbayna waxaa alle mahadii ah in laamaha Amnigu gacanta ku soodhigeen ragii gaystay falkii foosha xumaa waxaana la horgayn doonaa Hay’adaha garsoorka iyo cadaaladaa ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka.

Bulshada waxaan kula dardaarmaynaa in si wadajira looga shaqeeyo lana xoojiyo Wadajirka iyo Midnimada Bulshada meel aan uga soo wada jeesano cid kastoo duulaan ku ah Nabada iyo jiritaan keena, Wabilaahi Towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here