Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Galmudug Cumar Cabdi Maxamed ayaa Booqday deegaanka XirsiLugeey oo ay taallo Gogol Nabadeed oo u dhaxaysa Dad walaalo ah oo wada daga Degmada Balanbale iyo Deegaano Hoos-yimaada.
Wafdiga wasaaradda oo ay qayb ka ahaayeen Taliyaha Nabad sugida Galmudug, Taliyaha Boliska Gobolka Galgaduud, Taliya-yaasha Boliska Degmooyinka Guriceel Iyo Balanbale Iyo Agaasimo Waaxeedyada Arrimaha Bulshada iyo Dib-U-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kormeel balaaran kusameeyay Goobaha loo qorsheeyay shirka ayagoo sidoo kale kulan la qaatay Odayaasha iyo maamulka deegaanka waxayna kala hadleen inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wafuuda imaanyasa Goobta shirka.