Xog Hoose Dagaalada Dib uga Bilowday Deganada Galmudug Madaxweyne Xaaf oo ka...

Xog Hoose Dagaalada Dib uga Bilowday Deganada Galmudug Madaxweyne Xaaf oo ka Hadlay iyo Sababta Dagaalkasi ka Danbeysa

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo wararka naga soo gaaraya xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeeyey labada beelood oo halkaasi wada dega.

dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka dacdheer ee Gobolka Galgaduud,waxaana lagu soo waramayaa inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhinacyada dagaalamay ayaa ka hore sidaan oo kale ay u wada dagaalameen balse ay ku baxeen Odayaal deegaanka ah,kuwaas oo ku guuleystay inay nabad kala dhex dhigaan balse haatan uu dib u soo laabtay.

Wararka kale ee aan Maanta ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku waramayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ay ku wajahan yihiin deegaanka dacdheer,iyaga oo doonaya inay kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la soo xiriiray idaacadda Kulmiye  ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleed saakay ka qarxay degaanka dacdheer ee Gobalka galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo  dagaal dib ugu soo cusboonaaday  degaanka Dacdheer ee Gobalka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay aad ugu xun yihiin markale uu dagaal ka dhaco degaanka Dacdheer ee Gobalka Galgaduuud.

Waxaa weli dagaal beeleed uu ka soconaya degaanka Dacdheer ee gobalka Galgaduud, kaasi oo u dhexeeya Labo maleeshiyo beeleed, iyadoona khasaaro uu soo gaaray dhinacyada dagaalamay.

LEAVE A REPLY