Home Uncategorized Xog ku saabsan Dagaal xoogan oo ka dhacay gobalka Mudug

Xog ku saabsan Dagaal xoogan oo ka dhacay gobalka Mudug

3
0

Dagaal dhaliyey qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah  ayaa  kadhacay Magalada Garacad ee Gobalka Mudug Maamulka Puntland.

Dagaalkan ayaa udhexeeyey Maleeshiyaad burcad badeed ah oo dhawaan afduubtay maraakib maraysay xeebaha Maamulkaas iyo Ciidan katirsan maamulka Puntland.

Midka mid ah hogaamiyaashii kooxda burcad badeedka oo shalay lasooqabtay ayaa kuxirnaa saldhiga magaalada Garacad balse maleeshiyaad ku abtirsada beeshiisa ayaa sakaa soo weeraray saldhigga iyakoo doonayey inay soofurtaan waxaana halkaas kudhinay hal ruux halka Sadex kale dhawaacyo culus ay soogaareen.

ilaa iyo labo markab ayaa laxaqiijiyey inay ku afduuban yihiin xeebaha maamulka Puntland kuwaas oo loohaysto madax furasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here