Home Uncategorized Xog: Gogosha nabdeed ee besha sacad ay u dhigeen beelaha Shiikhaal iyo...

Xog: Gogosha nabdeed ee besha sacad ay u dhigeen beelaha Shiikhaal iyo Salemaan

5
0

Waxaan si rasmi ah u soo dhoweynayaa gogosha nabadeed ee ay beelaha Sacad u dhigeen beelaha walaalaha ah ee Shiikhaal iyo Saleeman Cabdulle, taas oo ujeeddadeedu tahay in lagu soo afjaro colaaddii khasaaraha iyo murugada badan reebtay ee ka dhacday gobolka Mudug.

Gogoshan nabadeed waxay astaan u tahay biseyl siyaasadeed iyo mid bulsho, waxayna muujinaysaa doorka lama huraanka ah ee ay leeyihiin odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee u istaagay dib u heshiisiinta. Waa tallaabo mudan bogaadin, isla markaana xambaarsan rajo cusub oo ku wajahan nabad waarta iyo wada noolaansho sugan.

Nabadda dhabta ah kuma koobna joojinta colaadda oo keliya, balse waxay ku dhisan tahay dhisidda kalsooni, is-ixtiraam iyo wada shaqeyn joogto ah. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la dardargeliyo dadaallada dib u heshiisiinta, la bogsiiyo dhaawacyadii ka dhashay colaadda, lana xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya beelaha.

Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dadaalka iyo kaalinta muuqata ee ay qaateen odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhalinyarada, kuwaas oo laf-dhabar u noqday hirgelinta gogoshan nabadeed. Doorkooda ayaa muhiim u ah xaqiijinta nabad waarta oo sal adag ku dhisan.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan qaaliga ah, kana shaqeeyaan hirgelinta heshiisyada la gaaro, ilaalinta nabadda, iyo ka fogaanshaha wax kasta oo keeni kara dib u soo laabashada colaadda.

Ugu dambeyn, waxaan Alle ka baryayaa inuu ka dhigo gogoshan mid miro dhal ah, keentana xasillooni, barwaaqo iyo horumar waara oo ka hanaqaada gobolka Mudug iyo guud ahaan dalka.

Wasiir Kuxigenka Dhalinarada iyo Ciyaraha Galmudug mudane Abdulkadir Ali Farah

Nabad iyo wadajir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here