
Waa maxay Cadaalad?
Qeexida Cadaaladda halkaan Si dagan u Akriso:
Cadaalad waa mabda’a iyo nidaamka hubinaya in xaqa iyo sinaanta loo dhigo si siman oo dhammaan dadka lagu maamulo,Cadaalada Waxayna ku lug leedahay ilaalinta xuquuqda qof kasta, xaqiijinta in si siman oo aan eex lahayn loogu dhaqmo Sharciga, iyo in qof walba laga ilaaliyo dulmiga iyo caddaalad darrada. Cadaaladda waxaa sidoo kale lagu qeexi karaa inay tahay ficilada iyo hababka loo isticmaalo in lagu xaqiijiyo in dadka la siiyo wixii ay xaq u leeyihiin, iyadoo la adeegsanayo sharciyo iyo xeerar cad cad oo caddaynaya Xaqa qof kasta uu alle siiyay.
Cadaaladdu waa tiir muhiim ah oo Islaamka ka mid ah, waxaana si ballaaran looga hadlay Quraanka Kariimka ah iyo Sunnaha Nabiga (NNKH). Islaamku wuxuu cadaaladda u arkaa inay tahay tiirka nolosha oo dhan, si gaar ahna u muhiim ah in bulshada kala duwan ay ku wada noolaadaan si xasilooni leh.









