Taliye ku-xigeenkii Madaxtooyada Puntland oo shil gaari ku geeriyoodey.

Written by

in

Taliye ku-xigeenkii ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf ayaa maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay agagaarka deegaanka Sheerbi, oo hoostaga degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Shilka ayaa yimid kaddib markii uu rogmaday gaari yar oo kuwa raaxada ah oo uu sarkaalku ku safrayey waxaana goobta dhaawacyo fudud ka soo gaareen labo askari oo ilaalo u ahaa, sida ay laama caafimaadku warbaahinta u xaqiijiyeen.

Gaashaanle Sare Maxamed Cali Axmed (Marduuf) oo horay uga tirsanaan jirey ciidamada PMPF ayaa soo noqday taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, waxaana bishii Abriil ee sanadkan loo magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Docda kalena, shil kale oo maanta ka dhacay deegaanka Solwayn ee gobolka Karkaar, kaas oo sababay dhaawaca saddex qof oo soo gaaray dhaawacyo fudud, sida ay ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka gobolka Karkaar xaqiijiyeen.

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *